Heshiis nabadeed oo soo afjaraya iskahorimaad tobanaan kun ku dilay Koonfurta Suudaan ayaa halis ugu jira inuu burburo, taasoo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in waddanka ugu da’da yar adduunka – iyo mid ka mid ah kuwa ugu saboolsan – ay si dhaqso ah dib ugu laaban karaan dagaal.
Koonfurta Suudaan ayaa ka go’day Suudaan inteeda kale sannadkii 2011-kii ka dib tobanaan sano oo ay socdeen qalalaasaha madaxbannaanida, balse waxay la daalaa dhacaysay sidii ay nabad ugu ilaalin lahayd dalkeeda, kaasoo u qaybsan qowmiyadaha kala duwan.
Waxay ku dhacday dagaal sokeeye 2013 ka dibna mar labaad saddex sano ka dib, ilaa rabshada lagu joojiyay heshiis xabbad-joojin jilicsan 2018.
Waa maxay dhibaatada hadda jirta?
Dalka waxaa maamula dowlad wadaag ah, oo uu hogaamiyo madaxweyne Salva Kiir iyo shan madaxweyne ku xigeen, oo uu ku jiro ninka ay Kiir isku hayaan ee Riek Machar, hogaamiyaha xisbiga SPLM/A-IO.
Machar ayaa la xiray usbuucan, taasoo keentay in SPLM/A-IO ay soo saarto bayaan Khamiista ay ku sheegtay in xarigiisa “si wax ku ool ah u keenayo heshiiskii (nabada) ee u dhaxeeyay isaga iyo Kiir”
“Rajada nabadda iyo xasilloonida Koonfurta Suudaan hadda waxaa la geliyey khatar weyn,” ayay raacisay.